Qormadii ugu horeeysay ee Oraad Marketing Blog - Bilow iyo Baraaro
- Yahye C Mohamed
- Sep 24, 2023
- 2 min read
Updated: May 9, 2024
Ma ahan Cadaalad...
inta aad ku dhex jirto social media ( Facebook, Instagram, Tiktok, Snapchat & Youtube ) Muqalba muuqal kale ku dhiibayo dalxiiskaagu socdo kaama soo Horbaxayo runtii Muuqal ama Qormo la xiriirta Entrepreneurship, Marketing & Sales, ama Guud ahaanba Business oo ah Laf dhabarta horumarka dhaqaale ee dal & dadkiisa.
Waana sababta Maanta ay dhalinta jamacadaha ama iskuulaadka kasoo Qalin bedesha ay Wadama shisheeye uga door bidaan dalkooda.
Bogga Rasmiga ee Qormooyin Oraad Marketing Institute.
Dalku waxa uu leeyahay qeyraad kabadan, kaafiyana dadka ku nool balse waxa la tebeyaa maqana Waxbarasho tayaysan oo diirada saarta xirfadaha wax ku ool-ka ah ee fog & kuwa Gaa-gaban ee u suurta gelina Shaqsiga ama ardayga ka qalin bedesha in uu ku shaqeysan karo suuqa shaqadana Boos kaga heli karo ama uu hal abuurkiisa uga faideyn karo dalka & Dadka una Lacagan Karo.
Waxa laga yaaba in aad qormadaan aqrinayso aad aqoon u ledahay xirfad ama aad haydo product ay dadku u bahanyihiin balse adan garanayn habka loo suuq geeyo loogana faaideyo dadka & Dalka adiga oo noloshadana ku deberaya.
Suuq geyntu waa muhiim mana ahan oo keliya in aad alab iibisid ee sidoo kale waa in aad adeegyo ama aqoon ad ledahay aad suuq geyn kartid ama aad fikradada ka iibin kartid dad maal haysta si ay u maal gashtaan fikradada ganacsi..
Waxan nahay Oraad Marketing Institute Hamigeenuna Waa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Faafinta & Soo Gudbinta Qormooyin Kaaba Aqoonta dhanka iibka iyo Suuqgeynta.
Sidoo kale aan Ganacsiyada ka caawino habkii ay product-yada iyo adegyada ay bixiyaan u gaarsiin lahayen macamiisha u baahn dal iyo dibadba.
Qormooyinka aan halkaan ku daabici doono maalin walba oo Qamiis ah waxaan kugula wadagi doona mowduucyo aan soo xulnay oo kobcinaya garaadka ganacsade kasta, suuq geeye kasta iyo qof walba oo ku haminaya in uu midkood noqo mustaqbalka dhow iyo kan fog.
tani waa qormadii 1aad bilow iyo Baraaro - Digital Marketing
Sidoo Kale Waxaan Bixinaa, soona saarnaa Koorsooyin & Adeegyo la xiriira digital Marketing Gaar ahaan Social media ( Meta Platforms - Facebook, Instagram & Whatsapp )
Aragtidaada & Taloyinkaagu waa inoo muhiim
Nagula Wadaag Qeypta Faalada (Comments)
Oraad Marketing Institute
Your Success, Our Passion
Commentaires