top of page
Search

Waa Maxay Suuq geynta Casriga (Digital Marketing) - Hordhac & Xogo Muhiim ah

Updated: Mar 31

90% Noole kasta ee ka weyn da'da 15 kuna nool magaalo Laga heli karo internate & Goobo Ganacsi Waxa uu adeegsadaa Mobile Smart Phone ah ha lahaado ama qof kale hala isticmalo.


Ahmed oo kamid ah 90%-ga aan kor kuso xusay waa macmiilkaaga oo alabaha ama adeegyada ganacsigaagu iibiyo ayu Malin, Bil ama Sanad kasta iibsada.


Ahmed Waxa uu isticmala social media (Facebook, instagram, tiktok, youtube & kuwa kale oo badan)


in aad fariin xayaysiimeed tilmaanta baahiyaha Ahmed dabooshana aad diyaarido lacagna ku bixido si Ahmed loo gaarsiiyo ayaan ku Qeexi karaa Digital marketing.


Lakiin Fariinta aad doonayso in aad Gaarsiido Ahmed ayaa Process Dheer Marta si aad jawaab deg deg ah uga hesho Ahmed markii ay fariintaadu gaarto.


Muhiim

Digital Marketing waa habka casriga ee Suuq Geynta Lana Rumeysanyahay in uu bedeli doono Habkii hore ee suuq geynta [ Traditional Marketing] Madaama Qidmo ahaan uu ka jaban yahay sidoo kale la fududeeyay oo Adigoo Mobile-kaaga adeegsanaya aad Roori kartid iidhahyo kala duwan.



Qormadaan ayaan kugula wadaagi doonaa warbixin kooban oo la xiriirta suuq Geynta Casriga ah [ Digital Marketing ] dhamaadka Qormadaan ayaan haminaya in aad fahan guud ka haysan doontid Guud ahaan Digital Marketing sidoo kale aad adeegsan doontid.



Table of Contents


  • · Waa maxay suuq geynta casriga?

  • · Nuucyada kala duwan ee suuq geynta casriga !

  • · Sida ay Ganacsiyadu u adeegsadaan !

  • · Dalkeena Somalia iyo Suuq Geynta Casriga

  • · Gunaanud !





Waa Maxay Suuq Geynta Casriga?


Digital Marketing Waa habka Casriga ah Ee Suuq genta iyadoo la adeegsanyo Baraha Bulshada & Websiteyada si loogu xayeysiyo Alaab ama Adeeg.


Guud ahaanba waa ay ka gedisantahay habkii hore ee la adeegsan jiray ee Suuq Geynta Hadii aad xasuusataan waxa la adeegsan jirta ilaa maantana la adeegsadaa siina dabar go’aysa Hab Xayeysiintii hore oo la adeegsan jiray Sida.


Tv -yada, idaacadaha ,Boorarka iyo Warqadaha la daabaco.


Maanta Aduunkii wuu isbedelay oo qof walba waxa uu isticmaala taleefan ama cumputer sidoo kale hab tv-ga waa isbedalay oo waxa la keenay tv-yo internate ku shaqeynaya oo aad kala socon kartid dhamaan Waxa ka socda Baraha Bulshada adigoon u baahnayn cable.



Faa'idada ugu weyn ayaa ah in aad Markii aad roorto Campaign kaga isla markiiba ogaan kartid natiijada ka dhalanaysa hadii ay positive tahay oo goal kagii la kulantay ama ka dheereeysay aad sii wadi karto sidoo kale aad iska joojin kartid habkii hore ee xayeysiinta taa lama awoodin oo xitaa waxa laga yaaba adiga oo xayeysiinta sameyay maanta in aad natiijada aragtid sanad kadib.





Nuucyada Kala Duwan ee Digital Marketing


  • Social Media Marketing

  • Search Engine Optimization

  • Display Marketing

  • Email Marketing

  • Content Marketing


Qaababkaan kala duwan iyo Faahfaahintooda insha allah dhowaan qormo ayaan ka sameyn doonaa.


How business use Digital Marketing!


Ganacsi kasta Ha Balaarnaado ama Ha Yaraado waxa uusan ka maarmin xayeysiin ama ii dhahyo si uu u balaarto una noqdo mid kamid ah shirkadaha ugu waweyn caalamka ama dalka uu markaa ka jiro.


Shirkadaha ugu Waweyn ee caalamku waxa ay dadka ka gadaan magacooda iyagoo u maraya Baraha Bulshada [ Social Media Platforms ] tusale Nike , Levis, LV, BalmainParis, Starbucks, Macdolands, Coca Cola, Golden Sanchs Waa Shirkado Waweyn ilaa Hada Barta internate ka waxad ku arkeysaa xayeysiinadooda.


Hadafkooda ayaa ah in la barto magacooda dadkuna u arkaan kuwa sare lagu faano xirashadooda iskuna maleysid in aad dadka ka sareysid oo mararka qaar hadii wax laga sheego aadba dagaal ka xigtid oo aan lagu oran karin waa Copy ama Sugunto Madaama ad lacag badan kasoo bixiday :).


Markii aad isbarbar dhigto Alaabaha ay iibinayaan iyo kuwa suuqa lagu iibiyo ee lamidka ah Quality ahaan waa iskumid laakin waxa kala duwan magaca ku qoran.


Waxa jirtay warshad aan ka iibsan jiray dharka jumlada ah ee dalka loosoo dhoofiyo.

Waa warshad sameyda alaabo kala duwan aadna u balaaran waxan arkay dhar sample ah oo diyaarsan kuna qornayd magac shirkad caan ah oo aan aqaanay.


Waan weydiiyay waxan ku iri qiimaha waa meeqa uu sheygani ku fadhiyo waxa uu iigu jawaabay 11$ Waan la yaabay madaama shirkada iibisa sheygaas ay iibiyaan lacag dhan 75$.


Su’aal Kale ayaan weydiiyay oo ah Sabab?


Waxa uu iigu jawaabay Waxa ay sameeyaan Xayeysiino badan dadka wax iibsadaa waa yaryihiin sidoo kale Qarashaadka ka baxa aad bay u badan yihiin sidoo kale waa in ay sameeyaan 2X Fa'ido ah ama ka badan.



Waxan ugu Jawaabay waan soo diyaar garoobaa oo Shirkad tan lamid ah ayaan Hal abuuraa Bi'idnilaah.





SOMALIA & DIGITAL MARKETING.


Somalia markii anu imano suuq geynta lama fahansana weli xitaa qaar kamid ah xayeysiinta ayaa la adeegsada lakin ma ogsoona oo dadku ma fahansana sida ay u badan yihiin. Dadkeena markii aad tiraah erayga suuq geyn waxaa maskaxdooda kusoo dhacaya in qof caan ah ganacsigooda soo booqdo halkana laga arko magaca dukankooda ito qaar kamid waxa ay iibinayaan iyo in si physical ah suuqa loo aado sidoo kale in boorar la dhejiyo.


Intaas oo dhan waa qeybo kamid ah xayeysiinta laakin suuq geyntu intaa kuma eka oo xuduud maleh Mar kasta oo qof ka dhadhicisid in uu wax iibsado waxa aad u martay mid kamid ah hababka suuq geynta.


Hadii aan soo koobo Somalia waxa laga adeegsadaa 1 kamid ah 5 ta ugu waweyn ee digital marketing Wana Content Marketing.



Social Media wey adeegsadaan laakin weli ma hormarsana oo waxa aad arkaysaa shirkad sameysay xayeysiin sawir ah qofkiina uusan ku qanci karin kuna qasbi karin in uu iibsado waxa ay xayeysiinayeen.


Markii la sameynayo iidheh Digital ah waxa loo maraa Wado ama Process

  • Baaris [ Research]

  • Fariinta ama Iidheh [ Message / Copy]

  • Natiijada ama Saameynta [ Impact]


Markii aad Haleeshid Alaabta Ama Adeega aad iibinaysid waa in ad baaris ku sameydaa waa kuma qofka iga iibsanaya Alaabtan ama adeegan oo macmiil-kayga ah. kadib waa in aad adeegsataa luuqada uu adeegsado macmiilkaaga dabadeedna aad roortid Xayeysiinta kadibna taxliilisaa natiijadii soo baxday si aad xayeysiinta 2aad usii hormarisid.


Download Bellow Our Free Monthly Planner


Dhamaad Malahan oo oraah ayaa oronaysaa.

"The end of something is the beginning of something else. "



Qormada Hoose Waxaan idin kula wadaagaya Inan hindiyad ah sheekadeeda iyo Habka uu ganacsigeedu ugu tiirsanyahay Suuq geynta Casriga ah.




Chaitra Radhakrishna.


Waa Gabar Nashqadeyda Mareegta ama website-yada.


Sidoo kale soo saarta koorsooyin la xiriira nashqadeynta Website-yada. waxa ay adeegsan jirtay Hab kamid ah hababka digital marketing gaar ahaan Email Marketing.


Lakin mudo kadib waxa ay yeelatay uur 2 sano ayay ka mined oo aysan sameyn wax iidhah ah ama email aysan u dirin dadkii ku xirnaa.


Waxa dhacday in aysan soo booqan waxna ka iibsan dadkii ku xirnaa madaama ay joojisay xiriirkii ay la lahayd ama fariimahedii ay arki jireen. wayo maanta markii aad email kaga furto waxa kusoo dhacaya boqolaal email.


Maxaad u malaynaysa qof Email uu kusoo diro kugu danbaysay 2 sano kahor ?


Markii ay kusoo laabatay Shaqadedii una diyaar garowday iskudaygeeda 2aad waxa ay bilowday in ay dirto fariimihii ay u diri jirtay macamiisheeda madama ay haysay email-ladooda weyna ku guuleysatay in ay dib u hanato oo ay noqdaan macmiil wax ka iibsada ama lasocda warbixinadeena.


Sheekadaan Waxa ay la xiriirtaa ganacsiyada online-ka ah lakiin si midaa lamid ah ayay u saameynaysaa ganacsi kasta hadii uusan sameyn mid kamid ah hababka xayeysiinada.


Sheekada Gabadhan oo Muuqaal ah: Halkaan Riix


iidhahyadu waxa ay dhisaan macaga iyo aminaada macmiishaada.



Gunaanud.

Hadafkaagu Hadii uu yahay in aad dhisto shirkad ama ganacsi daafaha dalka iyo dunidaba laga aqoonsanyahay suuq genta casriga ah ee Digital Marketing waa lagama maarmaan Waana wadaha iibka iyo dhisaha magac shirkadeed ee dadku xasuustaan.


Yahye C Mohamed

Certified Meta & Marketing Specialist

Founder of Oraad Marketing Institute



 
 
 

Comentários


bottom of page